4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2019
Digniin dhanka fatahaadda roobka ah oo loo diray deegaanno ka tirsan Dowlad deegaanka Soomaalida

 

Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Maadaama maalmahan ay Roobab laxaad leh ka da'ayeen Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxaa jirta cabsi laga qabo fatahaado ka imaan kara Roobabkaas, kaas oo khasaare naf iyo maal gaysan kara.

Haddaba Xafiiska Maaraynta Masiibooyinka iyo khataraha ee DDS ayaa waxa uu digniin u dirayaa Shacabka ku dhaqan qaybo kamid ah Gobolka Shabeelle gaar ahaan degmooyinka Qallaafo, Mustaxiil iyo Feerfeer oo wabiga Shabeelle uu maro kaas oo fatahaad keeni kara xilliyadan ay roobabku ka da'ayaan degaanka.

Sidoo kale waxaa digniin loo diray dadka ag deggan Wabiyada, Dooxooyinka iyo Laagaha kuwaas oo fatahaadi kara markay buuxsamaan iyo waliba dadka deggan meelaha joogoodu hooseeyo ee guud ahaan degaanka ka tirsan.

Si  kastaba ha ahaatee xilliyada ay Roobabku ka da'aan degaanka ayaa waxaa  yimaadda fatahaado, taas oo keenta khasaaro badan oo dadka iyo  duunyadaba saamaysa.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]