4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2019
Wasiirkii Amniga Jubbaland oo la hor keenay Maxkamadda Gobolka Banaadir

 

Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Cabdirashiid Xassan Nuur Janan oo ahaa taliyihiin Wasiirkii Amniga dowlad gobolleedka Jubbaland iyo Nin lagu magacaabo Aadan Maxamed oo ahaa taliyihiin ciidamo ka howlgali jiray degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa maanta la horkeenay Maxkamada gobolka Banaadir.

Cabdirashiid Janan ayaa gacanta dowladda Soomaaliya ku jiray tan iyo bishii September, ee la soo dhaafay waxaana lagu eedeynayaa in uu ka geystay gobolka Gedo tacdiyo ka dhan ah Bani'aadannimada sanadkii 2015ka.

Dacwad ku soo oogista Cabdirashiid Janan ayaa imaneysa xili khilaaf xooggan uu u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul gobolleedka Jubbaland, waxaana xusid mudan in bishii April ee sanadkan Maxkamadda Gobolka Banaadir baabi’isay dhammaan eedeymihii loo heystay Wasiir Janan.

Dowladda Soomaaliya ayaa qabatay Wasiirka  dhamaadkii bishii Augusto ee sanadkan xili uu Transit, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa  horay u cambaareeyay xariga Wasiirka oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, iyaga oo dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo.

Eedeymaha loo heysto ayaa waxaa ka mid ah dad lagu dhax dilay Xabsiyo ku yaala gobolka Gedo iyaga oo aan maxkamada la soo taagin iyo waliba tacadiyo kale oo sida la sheegay loogu geystay dad rayid ah amar uu bixiyay Cabdirashiid Janan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]