4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2019
Wafuud kale oo lagu wado saacadaha soo socda in ay ka deggaan magaalada Kismaayo

 

Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda ka deggaan Wafuud kale oo lagu waddo in ay qeyb-galaan munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Maalintii shalay waxaa ka degtay diyaarad magaalada Nairobi ka soo qaaday madaxweynayaashii hore ee dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed iyo sidoo kale xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay ugu jira qabsoomida munaasabada caleema saarka ee Axmed Madoobe, iyadoo la diyaariyay  diyaarado lagu soo qaadayo wafuuda imaaneysa.

Lama oga in ay jirin doonaan wafuud ka taggi doonta magaalada Muqdisho, iyadoo horay dowladda Soomaaliya u mamnuucday in siyaasiyiintu u safraan magaalada Kismaaayo.

Magaalada Garoowe ayaa lagu waddaa in ay tagaan mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ka qeybgalaya munaasabada calleemo saarka Axmed Madoobe.

Khilaaf xoog leh ayaa ka dhashay dib u doorashadii madaxweynaha Jubbaland, waxaana ay dowladda federaalka ku tilmaamtay doorashaddii ka dhacday Kismaayo 22 kii Augusto ee sanadkan mid aan sharciga waafaqsaneyn, sidaa daraadeed aysan aqoonsaneyn natiijada ka soo baxday. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]