4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2019
Adeeggii Duulimaadyada Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne oo hakad ku yimid

 

Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Magaalada Beledweyne waxaa xalay fiidkii ka da'ay Roob weyn oo socday ku dhawaad 2 saacadood oo xiriir ah, kaa oo biyo dhiggay inta badan Jidadka xaafaddaha magalada.

Roobkan oo guud ka curtay dalka Soomaaliya ayaa saameynta ugu darran ee uu ku yeesho bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan haddii  ayaa ah in uu  gabi ahaanba joojiyo howlihii Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne oo  xiliyadan oo kale diyaaraduhu soo caga-dhiggan.

Qaar ka mid ah shirkaddaha Duulimaadka gudaha oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in maanta iyo maalmaha soo socda laga yaabo in aysan Garoonka ka degin diyaaradaha rakaabka qaada, marka laga raabo kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters oo ay isticmaalaan inta badan  ciidamada Nabad-ilaalinta iyo mas'uuliyiinta dowladda.

Sanad kasta markii uu roobka ka da’o   waxaa xirma oo aan shaqeyn  Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magalada  Baladweyne, iyadoo dadka doonaya in ay u safraan magaalada Muqdisho ku qasban yihiin ay tagaan degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud si ay halkaa uga dhoofaan.

Isku da'yo badan la doonayay in lagu hagaajiyo Garoonka ayaa suurtagalin, iyadoo maamulka Hirshabeelle ee hadda ka arimiya gobolka uu marar badan oo hore ku cel celiyay in wax laga qaban doono caqabadaha soo wajaha Garoonka xiliyada Roobka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]