3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirka guddiga sare ee fulinta hey’adda QM

 

Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Geneva oo ay uga qeybgali doonaan shirka  heerka caalami ah ee guddiga sare ee fulinta hey’adda QM ee qaxootiga Adduunka.

Kulankan oo ah kii 70aad ayAa waxaa isugu imaan doonA dalalka xubnaha ka ah guddiga sare ee fulinta hey’adda QM ee qaxootiga Adduunka, iyadoo Wasiirku uu ku matali doona Dowlada Soomaaliya.

kulanka ayaa lagu qaadaa dhigi doonaa arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kalana lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hey’adda UNHCR.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Maxamed Sabriye ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Switzerland waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madax ka tirsan dowladda Switzerland iyo mas’uuliyiinta kale ee Shirkaasi ka qeyb-galeysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  
 

 













Click here
10/6/2019 12:47 PM EST
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-War-saxaafadeed ay baahisay wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay qorshe doorasho.

10/6/2019 12:31 PM EST
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Rabshado u dhaxeeya Kooxo dhalinyar ah oo ka kala tirsan Oromada iyo Axmaarada ayaa maanta ka dhacay suuqa Konel ee magaalada Diridhabe.

10/6/2019 10:54 AM EST
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyaha ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay maxkamada sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya

10/6/2019 10:40 AM EST
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Hey’adda Hormuud Foundation ayaa maanta waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

10/6/2019 10:32 AM EST
Axad, Octobar 06, 2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta kulan la yeeshay ergadii nabadeynta gobolka Sanaag, kuwaas oo waanwaan ka dhex waday xukuumadda iyo jabhadda Kornayl Caare.

10/6/2019 7:55 AM EST
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Maadaama maalmahan ay Roobab laxaad leh ka da'ayeen Degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxaa jirta cabsi laga qabo fatahaado ka imaan kara Roobabkaas, kaas oo khasaare naf iyo maal gaysan kara.

10/6/2019 7:41 AM EST
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Cabdirashiid Xassan Nuur Janan oo ahaa taliyihiin Wasiirkii Amniga dowlad gobolleedka Jubbaland iyo Nin lagu magacaabo Aadan Maxamed oo ahaa taliyihiin ciidamo ka howlgali jiray degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa maanta la horkeenay Maxkamada gobolka Banaadir.

10/6/2019 4:38 AM EST
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo Ciidammada Maamulka degmada Jalalaqsi kaas oo Maanta ka dhacay gudaha degmadaas,waxaana la sheegay in ciidamada Jabuuti ay la wareegeen dhamaan Xarumaha Maamulka.

10/6/2019 2:28 AM EST
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa saacadaha soo socda ka deggaan Wafuud kale oo lagu waddo in ay qeyb-galaan munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

10/6/2019 2:06 AM EST
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta Adduunka ayaa qaxooti Soomaali ah waxaa ay kasoo celiyeen dalka Yaman,kuwaas oo laga dejiyey Dekadda Magalada Xeebeedka Barbara ee deegaannada Soomaaliland.

10/6/2019 1:56 AM EST
Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Magaalada Beledweyne waxaa xalay fiidkii ka da'ay Roob weyn oo socday ku dhawaad 2 saacadood oo xiriir ah, kaa oo biyo dhiggay inta badan Jidadka xaafaddaha magalada.