4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Qarramada Midoobey

 

Sabti, October, 05, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawadda kaddib markii maanta diyaarad ka soo duushay magaalada Nairobi ay si toos uga degtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah tallaabadan ay qaaday dowladda Kenya u gudbisay Qarramada Midoobey gaar ahaan waaxda duulista Hawadda ee ICAO, waxaana ay dowladda Kenya ku eedeysay in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista Hawadda.

Diyaarada maanta ka degtay magaalada Kismaayo oo nooceedu ahaa F/50 ayaa la sheegay in shatiga ay isticmaashay laheyd shirkadda Jubba Airweys iyadoo uu lahaa diyaaradan ganacsade Soomaaliyeed.

Diyaaradan ayaa lagu wadaa in sidoo kale magaalada Garoowe ka soo qaado wafuud lagu wado in ay ka qeybgalaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo horay dowladda Soomaaliya u amartay in duulimaayada caalamiga ah soo maraan magaalada Muqdisho ka hor inta aysan ka degin magaalada Kismaayo.

Dacwadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ka dhan ah dowladda Kenya oo ay Soomaaliya u gudbiso Qarramada Midoobey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]