4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2019
Dowladda Soomaailya oo Boqolaal Kun oo dollar ku bixineysa dhismaha Buundada Baardheere

 

Sabti, October, 05 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay lacag dhan  317,000 oo dollar oo dowladdu ugu talagashay dib u dhiska Buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.

Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ka jawaabaya cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka buundada, ayaa sheegay in  madaxda Qaranka ay yihiin adeegayaasha bulsahda, lagama maarmaanna ay  tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto sida ay u kala  muhiimsanyihiin iyo hadba inta ay la ektahay awoodda dowladda.

Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xassan  Cali Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka  jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada  Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta  ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo deb-qabka dadka iyo  gaadiidka safarka ah.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kobcinta dhaqaalaha dalka, ayaa horay u ballan qaaday soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]