3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2019
Weftiga Somaliland ka socda oo ka qaybgali doonna caleemo saarka madaxweynaha Jubaland

 

Sabti, Octobar 05, 2019 (HOL )– Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay ka qaybgali doonaan caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubaland oo la filayo in bishan sagaalkeeda ka dhici doonto magaalada Kismaayo.

Shire ayaa sheegay isaga iyo laba xildhibaan oo guurtidda ka mid ahi ay qorshaha ugu jirto inay u boqolaan magaalada Kismaayo, waxaanu xusay in shacabka reer Jubaland ee la cunno qabateeyey ee diyaaradiihii laga joojiyey ay tusi doonaan inay la dareen yihiin.

“laba xubnood oo golaha Guurtidda ah iyo xubin golaha Wakiilada ah oo aniga ah inaanu safar ugu anbobixi doonno Kismaayo si aan uga qaybgalno caleemo saarka Axmed Madoobe”ayuu yidhi xildhibaan Shire oo sheegay inay ka qaybgalayaan caleemo saarka madaxweynaha Jubaland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weftigaasi ay ku jiraan xubno kale oo wasiiro hore iyo masuuliyiin xisbiyada mucaaradka ah, kuwaas oo kala qaybgali doonaan dadweynaha reer Jubaland caleemo saarka madaxweynahooga.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in iyagu is abaabuleen inay tagaan Kismaayo, isla markaana aanay xukuumaddu shaqo ku lahayn.

Dhinaca kale, waxa safarkaasi dhaliilay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanay ku tilmaamay arrin meeqaamka Somaliland hoos u dhigaya, taas oo aanu sharcigu ogolayn.

Sidoo kale, dadweynaha ayaa iyaguna arintaasi ku kala aragti duwan, qaaar taageersan iyo qaar ka soo horjeedaba iskugu jira.

Waa markii ugu horeysay ee taariikhda masuuliyiin reer Somaliland ka qaybgalaan caleemo saarka madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, taas oo labada gole sameeyeen sharci ka dhan ah qofkii ka qaybgalla arrimaha Soomaaliya inuu dambiile qaran yahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
10/5/2019 2:35 PM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawadda kaddib markii maanta diyaarad ka soo duushay magaalada Nairobi ay si toos uga degtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland.

10/5/2019 11:32 AM EST
Sabti, October, 05 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.

10/5/2019 10:04 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)- Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo iibsadeen diyaar gaar ah oo loogu talagalay in ay soo qaado wafuud kala duwan ee ka qeybgalaya munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

10/5/2019 8:36 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo waxaa goor dhaw tagay wafdigii ugu horeeyay oo lagu wado in ay ka qeyb-galaan munaasabada Caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

10/5/2019 7:46 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Dagaal lagula jiro haadka noocyada hilibka cuna ayaa ku sii fidaya guud ahaan gobolka Sool.

10/5/2019 4:18 AM EST
Sabti, October, 05. 2019 (HOL)-Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota oo ay Taariikhda ku beegan tahay 09ka October 2019.

10/5/2019 2:41 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ciidamada militariga dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhaxmaray inta u dhaxeysa deegaanka Halgan iyo degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

10/5/2019 1:54 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Wasaarada arrimaha dibadda Ruushka ayaa u yeertay danjiraha Iran u fadhiya Moscow ka dib markii saxafi u dhalatay Ruushka lagu xiray Tehran.

10/5/2019 1:49 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.

10/5/2019 1:36 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Waxaa aad sare ugu kacay tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Ciraaq ee afartii maalmood ee la soo dhaafay dalkaasi ka dhacayay kuwaas oo gaaray ugu yaraan 60 qof, ilo dhinaca caafimaadka iyo ammaanka ah ayaa sidaasi sheegay.