4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2019
Wafuuddii ugu horreysay oo gaartay magaalada Kismaayo

 

Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo waxaa goor dhaw tagay wafdigii ugu horeeyay oo lagu wado in ay ka qeyb-galaan munaasabada Caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Xubnaha maanta tagay magaalada Kimaayo waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdikariin Xusseen Guulleed oo horey u soo noqday madaxweyne uga soo noqday maamul gobolleedka Galmudug,

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah ku dhawaad 30 xildhibaan oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeennada maamulka Jubbaland,

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu danbeeyayba xudun u aheyd khilaaf siyaasadeed ee dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda oo dhinac walba si u arko sharci ahaanshaha dib u doorashadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladdu u aragto dariiqa loo maray doorashadiisa mid aan sharci ku fadhiyin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]