4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2019
Dagaal gobolka Hiiraan ku dhaxmaray ciidamada militariga dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab

 

Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ciidamada militariga dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhaxmaray inta u dhaxeysa deegaanka Halgan iyo degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan deegaannada lagu dagaalamay ayaa warbaahinta u sheegay  in labada dhinac dagaalka isku adeegsadeen hub kala duwan

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen saldhigyo  ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanno hoostaga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Buulo Burte ayaa dhowaan sheegay inay qaadi doonaan howlgallo ay isugu furayaan waddooyinka Gobolka Hiiraan, gaar ahaan waddooyinka soo gala Buulo Burte oo Al-Shabaab jareen.

Buulo- Burte ayaa in muddo sanado ah ku jirtay xaalad go’doon  ah, iyadoo inta badan saanada ciidamada iyo sahayda lagu gaarsiiyo  diyaarado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]