4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2019
Dib u habeyn lagu sameynayo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

 

Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.

Taliyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaa  ku daray in ay qeyb ka noqon doonaan dhismaha Booliska Africa oo  haatan  lagu aas-aasayo dalka Algeria una direen saraakiil.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay sare u qaadi doonaan, tirada, tayada, Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo qalabka Boliiska, si uu u yeesho awood intaa ka ballaaran.

Taliye Xajaar ayaa sheegay in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed uu ka  mid yahay Inter Pol-ka, (International Police), xafiisna ay ku  leeyihiin Muqdisho.

S Gaas Cabdi Xasan Xijaar, taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  ayaa intaa ku daray in dhawaan ay Magaalada Nairobi ka furi doonaan xafiis ay ku mideysan yihiin Boliiska Bariga Afrika, wuxuuna sheegay in  ay rajeynayaan in ay Soomaaliya madax ka noqoto hoggaanka waddamada gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]