3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 5 , 2019
Tirada dadka ku dhintay rabshadaha Ciraaq oo sare u kacday

 

Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Waxaa aad sare ugu kacay tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Ciraaq ee afartii maalmood ee la soo dhaafay dalkaasi ka dhacayay kuwaas oo gaaray ugu yaraan 60 qof, ilo dhinaca caafimaadka iyo ammaanka ah ayaa sidaasi sheegay.

Tirada ayaa laba laabmatay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, xilli ay sare u kaceen iskudhacyada u dhaxeeya dibadbaxayaasha iyo booliska.

Milateriga ayaa sheegay "shiishyahanno aanan la ogaan waxa ay yihiin" ayaa waxa ay magaalada Baqdaad ku dileen afar qof oo ay ka mid yihiin laba askari oo boolis ah.

Ra'iisul Wasaare Caadil Cabdul-Mahdi ayaa goor sii horraysay sheegay in "dalabaadka saxda ah" ee dibadbaxayaasha la maqlay, balse waxa uu dalbaday in la isdajiyo.

Dibadbaxyada aanan la sii qorshayn ayaa waxa ay bilowdeen Talaadadii xilli uu aad sare ugu kacay walwalka ka taagan shaqa la'aanta heerka sare ah ee haysata dhalinyada, adeegyada bulshada ee aadka u liita iyo musuq maasuqa dalkaasi ka hareeyay.

Arrintan ayaa waxa ay noqonaysaa loollankii ugu waynaa ee ay soo wajahdo dowladdan jilicsan ee Mr Mahdi, taas oo awoodda la wareegtay sanad ka hor.

Xigasho BBC 














Click here
10/5/2019 2:35 PM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya in ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawadda kaddib markii maanta diyaarad ka soo duushay magaalada Nairobi ay si toos uga degtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland.

10/5/2019 11:32 AM EST
Sabti, October, 05 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.

10/5/2019 10:53 AM EST
Sabti, Octobar 05, 2019 (HOL )– Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay inay ka qaybgali doonaan caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubaland oo la filayo in bishan sagaalkeeda ka dhici doonto magaalada Kismaayo.

10/5/2019 10:04 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)- Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo iibsadeen diyaar gaar ah oo loogu talagalay in ay soo qaado wafuud kala duwan ee ka qeybgalaya munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

10/5/2019 8:36 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo waxaa goor dhaw tagay wafdigii ugu horeeyay oo lagu wado in ay ka qeyb-galaan munaasabada Caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

10/5/2019 7:46 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Dagaal lagula jiro haadka noocyada hilibka cuna ayaa ku sii fidaya guud ahaan gobolka Sool.

10/5/2019 4:18 AM EST
Sabti, October, 05. 2019 (HOL)-Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota oo ay Taariikhda ku beegan tahay 09ka October 2019.

10/5/2019 2:41 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ciidamada militariga dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhaxmaray inta u dhaxeysa deegaanka Halgan iyo degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

10/5/2019 1:54 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Wasaarada arrimaha dibadda Ruushka ayaa u yeertay danjiraha Iran u fadhiya Moscow ka dib markii saxafi u dhalatay Ruushka lagu xiray Tehran.

10/5/2019 1:49 AM EST
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.