4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2019
Maxkamadda ICJ oo u yeertay dalalka Soomaaliya iyo Kenya

Khamiis, October, 03, 2019 (HOL)-Muranka badda ee u dhaxeeya labada dal ayaa markan waji cusub yeeshay, kaddib markii maxkamadda dambiga caalamiga ah ee ICJ ay u yeertay Soomaaliya iyo Kenya.

U yeedhitaanka labada dhinac ayaa ka dambaysay markii la sheegay in Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ahaa in dib loo dhigo dhagaysiga ilaa bisha Sebtember 2020-ka.

Soomaaliya ayaa la sheegay inay codsigaasi cusub ee ka yimid Kenya ay gaashaanka ku dhufatay, ayna ku adkaysatay in dhagaysigu uu bilowdo bisha Noofembar ee soo socota 4-teeda sidii ay hore maxkamaddu u muddaysay.Waa markii labaad ee Kenya ay codsato in dib loo dhigo dhagaysiga.

Arrinta cusub ayaa ah in labada dal ay ah isku mari waayeen dib u dhigis mar labaad lagu sameeyo dhagaysiga dacwadda, taasi oo keentay inay maxkamaddu u sheegto labada dawladood inay iyadu gaadhi doonto go'aan, ayna ka doonayso labada dawladood inay aqbalaan.

Wararka laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya magaalada The Hague oo ay maxkamaddu ku taal inay gaareen wufuud ka kala socota labada waddan oo ay kala hoggaaminayaan Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, iyo Sharci-yaqaanka guud ee Kenya Kennedy Ogeto.Wufuudda labada dhinac ayaa muddo kooban ku gaadhay The Hague kadib markii ay maxkamaddu u yeedhay, waxaana wakiillada Soomaaliya ay ka kala yimaadeen magaalada Muqdishu iyo Maraykanka.

Dhagaysiga dacwaddan ayey ahayd inuu dhaco 9-13 kii bisha Sebtember ee aynu soo dhaafnay hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid dhinaca Kenya oo ku dooday inay qabsanayso qareenno cusub.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dedaallo ay wadahadal ku dooneysay Kenya, iyadoo toddobaadkii hore magaalada New York ay ku kulmeen labada madaxweyne, wallow madaxweynaha Soomaaliya uu ku caddeeyay khudbada uu ka jeediyay shirka golaha Qaramada Midoobay inay go’aanka kama dambeysta ka sugayaan maxkamadda ICJ.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]