4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2019
Puntland oo ku eedeysay Dowladda Dhexe in ay la dirireyso hannaanka Federaalka ee lagu heshiiyay

 

Khamiis, October, 03, 2019 (HOL)-Qoraal ka soo baxay kulan Golaha Wasiiradda Dowlad gobolleedka Puntland ay ku yeesheen magaalada Boosaaso ayaa eedeyn loogu jeediyay dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiiradda oo shirkooda uga wada hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan dowlad gobolleedka Puntland ayaa lagu soo hadal qaaday marxalada siyaasaddeed ee dalka iyadoo eedeyn loogu jeediyay dowladda Dhexe.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland door muhiim ah ka qaadatay xaaladihii ugu danbeeyay ee Siyaasadda dalka iyo Arrimaha Masiiriga ah iyadoo la ilaalinayo nidaamka Federaalka ee lagu soo heshiiyay.

Laakiin taa badalkeeda dowladda dhexe ayeey ku eedeeyeen in ay la soo baxday sida Qoraalka lagu dhigay hab dhaqan aan wanaagsaneyn oo lagula dirirayo nidaamka Federaalka oo ah kan kaliya oo ay Soomaaliya heshiis ku tahay.

Hadalka ka soo yeeray Puntland ayaa muujinaya khilaaf sii xoogeystay ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka , iyadoo Puntland ay ka baaqatay islamarkaana qaadacday shirkii madasha Wadatashiga Soomaaliya ee maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]