Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Qatar
Khamiis, October, 03, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen oo uu wehlinayay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan waxaa ay la qaateen La-taliyaha ra”iisul wasare ku -xigeenka Dowladda Qatar oo Safar ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Xassan Binu Xamza Maal-gashadayaal, mas'uuliyiin ka tirsan labada maamul Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa intuu uu socday waxaa looga hadlay sidii dalka oo kasoo
kabana Marxaladihii uu soo maray ay Dowladda Qatar Mashariicda ay bixiso
qeyb uga noqon lahayd Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo
Hirshabeelle.
Sidoo kale kulanka waxaa leysku dhaafsaday fikrado lagu horumarin karo xoojinta dib u dhiska dalka ka mira dhalka Hormarinta Mashaariicda iyo shaqa Abuurka loo samaynayo Bulshada Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.
Labada madaxweyne ayaa uga mahad celiyay Dowlada Qatar taageerada ay siiyaan Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed oo ka taageera dhinacyada dib u
dhiska tayenta Ciidanka iyo Shaqa abuurka ay u sameeyaan Shacabka Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]