4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2019
Xubno wasiiro ah oo degmadda Saylac u tagay dajinta shaqaaqo laba beelood u dhexeysay

 

Khamiis, Octobar 03,  2019  (HOL )– Laba beelood ayaa shaqaaqo dhinaca Beeraha ahi ku dhex martay deegaanka wadajir oo ka tirsan degmada Saylac ee gobolka Selel, taas oo qaar ka mid ah golaha wasiiradda u tageen sidii khilaafkaasi loo soo afjari lahaa.

Wasiiradda ka qaybgallaya xalin khilaafkaasi labadda beelood waxa ka mid ah wasiirka Gaashandhiga, wasiirka caafimaadka, wasiirka Horumarinta Biyaha, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo hogaanka hawlgalinta ee ciidanka Booliska.

Weftigan waxa hogaaminaya wasiirka horumarinta biyaha Somalilad Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxaanay weftigan wasiiraddu gooni gooni ula kulmeen odayaasha labada dhinac si loogu garqaado labaddda beelood.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in labadan beelood yihiin kuwo ilaahay ku uumay dhulkan,isla markaana aanay jirin meel ay ku kala tagayaan, kuwaas oo isku ah xidid, xigaal, abti iyo adeer wax kala kaxaynayaana aanu jirin, waxaanu ku booriyey inay nabadda ilaaliyaan.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu ka codsaday labada dhinacba inay u hogaansamaan garta iyo go’aamada dawladeed ee ka soo bixi doona arintaas ay xalinteeda deegaankaas u tageen, wuxuuna ku dheeraaday inay mid dhaqan iyo mid dawladeedba isugu geyn doonaan.

Wasiiradan ayaa sheegay inay xukuumaddu go’aanno adag ka qaadanayso shaqaaqooyinka soo noqnoqda ee ka dhaca gudaha Somaliland, isla markaana aanay aqbali doonin inay daba dheeraato iskhilaafka beeluhu, wuxuuna u mahad celiyey labada beelood ee degaankaas wada dega ee ay shaqaaqadu dhexmartay oo uu sheegay inay isxakameeyeen intii awoodooda ah, kuna bogaadinayaan dulqaadkaas ay muujiyeen.

“Labada reer ee aanu maanta halkan u joognaa intii ILLAAHEY wada abuurayba waa ay wada noolaayeen, waaney isgaadhayeen guri kasta iyo mid kasta iyo qoyskasta way is dhaleen, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqaya qofkasta oo ka qayb qaatay, waxaanan cidkasta ka codsanaynaa inay u hagaansamaan Garta iyo go’aanka dawladda hadii aanay bulshadu sidii dhaqankana u heshiin gartan dawladnimadana aanay aqbalin meesha waxa ka soo baxaysa waxaa uu noqonaya wax adag, taariikh ayaynu heysanaa goobo badan oo la degan yahay ayay Somaliland dhibtaasi ka socotay, hadasa waxaa la ii sheegaya in deegaan Lughaya ka tirsan oo la yidhaahdo Gargaara Bari in dhibi ka jirto, tan la mid ahi waxaanan dawlada ka go’an in ay go’aan adag ka qaadato, shaqaaqooyinka soo noqnoqonaya ee beelaha dhexdooda, qofkasta waxaa aanu halkan uga gudbineynaa in aanay dawladu mar danbe u dulqaadan doonin khilaaf beeleed oo riiq dheerada oo ciidanka Qaranka iyo hantida dawladuba ay ku burburto.”

Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Mumin ayaa isna la sheegay inuu go’aan ka soo saarayo arrimaha beeraha ee la isku hayo, taas oo salku ku hayo khilaafka labaddan beelood.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.