4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2019
Nabaddoon Qalyar oo u geeriyooday dhaawac Kismaayo loogu geystay bishii September

 

Khamiis, October, 03, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Nabaddoon Axmed Jaamac Maxa'uud {Qalyar) uu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu furay bishii September xili sida la sheegay uu ka soo baxay Masjid gudaha magaalada.

Nabaddoonka  ayaa ka mid ahaa odayaasha sida weyn uga soo horjeeday siyaasadda Axmed Madooba ayeey ehelada iyo siyaasiyiintii kale o oay wada shaqeyn jireen ku eedeeyeen in dhaawaciisa uu ka danbeeyay maamulka Axmed Madoobe.

Laakiin saraakiisha maamulka Jubbaland oo waqtigaa war ka soo saaray weerarka lagu dhaawacay marxuumka geeriyooday waa ay iska fogeeyeen eedeymaha loo jeediyay, iyaga oo sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan sida uu u dhacay weerarka lagu dhaawacay xiligaa Nabaddoon Qalyar

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa hore loogu dilay  Odayaal iyo Salaadiin dhowr ah oo siweyn looga garanayay guud ahaan deegaannada Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]