4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2019
Shirkii golaha wasiiradda Somaliland oo warbixino laga dhagaystay labada wasaaradood ee Maaliyadda iyo shaqo galinta

 

Khamiis, October, 03, 2019 (HOL)-Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta warbixino lagaga dhagaystay wasaaradda horumarinta Maaliyadda iyo wasaaradda shaqogalinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland.

Kalfadhigii 42-aad ee golaha Wasiiradda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa labadan wasaaradood ka dhagaysay warbixino u aadan shaqadoodda.

“Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, ayaa golaha warbixin ka siiyey diyaarinta Miisaaniyad sannadeedka qaranka ee 2020-ka, taasoo ay diyaarinteeda ku hawlantahay wasaaradda horumarinta maaliyaddu, isagoo ku dheeraaday wasiirku miisaaniyadda iyo qaybeheeda, si waafi ahna u sharraxay ahmiyadda weyn ee ay qaranka u leedahay odoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka oo siyaasaddeedu ku salaysnaan doonto mashaariic horumarineed oo waafaqsan qorshaha labaad ee horumarinta qaranka.Wasaaradda horumarinta maaliyaddu iyadoo ka duulaysa oddoroska miisaaniyad sannadeedka 2020-ka, waxay diiradda saaraysaa, soo ururinta dakhliga miisaaniyadda.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda.

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, ayaa golaha u qaybisay nuqullada siyaasadda qaran ee shaqo-carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaraddaasi, iyadoo wasiirku sharraxaad ka siisay golaha muhiimadda siyaasadani u leedahay shaqo-carbinta iyo sida loogu dabbaqi doono.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda boosaha Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, ayaa golaha u soo bandhigay nidaamka hirgelinta E-Government Somaliland, kaasoo goluhuna u ballamay in loo qabto kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagu gorfeeyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.