4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2019
Dad ku dhintay Dibad bax rabshado Wata oo ka socda Ciraaq

 

Khamiis, October, 03, 22019 (HOL)-Ugu yaraan afar qof oo dibad-baxayaal ah ayaa toogasho lagu dilay ayada oo mudaaharaadyo xooggan oo ka dhan ah musuq-maasuqa iyo shaqo la’aanta ay ku baaheen magaalada ku taalla Koonfurta Iraq ee Amarah, sida ay maanta sheegeen ilo-amni iyo kuwa caafimaad.

Dibad-baxe kale ayaa sidoo kale maanta lagu dilay gobolka Dhi Qar,  halkaasi oo dhiigga ugu badan ee ka dhashay dibad-baxyada Ciraaq uu ku  daatay illaa iyo hadda, sida uu sheegay madaxa caafimaadka gobolka  Abdulhussein al-Jaberi.

Dhimashada cusub ayaa tirada guud ee dadka dhintay tan iyo markii ay dibad-baxyada billowdeen saddex maalin ka hor ka dhigeysa 18, oo uu ku jiro sarkaal boolis.

Ra’iisul wasaraaha Iraq, Adel Abdel Mahdi ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucay dhaq-dhaqaaqa dadka laga billaabo 5:00 am, si uu u joojiyo dibad-baxyada sii kordhaya.

Booliska ka hor-tagga rabshadaha ayaa rasaas u riday hawada, si ay u kala ceyriyaan tobaneeyo qof oo isugu yimid fagaaraha Taxriir ee magaalada Baghdad ayaga oo jebinaya bandowga.

Dibad-baxayaasha ayaan ku faraxsaneyn adeegga dowladda ee liita iyo musuq-maasuqa.

Dibad-baxyada ayaa ah caqabaddii ugu horreysay ee weyn ee uu wajaho ra’iisul wasaare Abdul-Mahdi, oo dowladdiisa soo dhigay sanad ka hor.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]