4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2019
Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa Qarax shalay ciidamada DANAB lagula eegtay dulleedka Muqdisho

 

Khamiis, October, 03, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 6 Askar oo uu ka mid ahaa sarkaal lagu magacaabi jiray Maxamed Yariisoow ay ku geeriyoodeen qarax shalay lagule eegtay dulleedka magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gaari ay la socdeen Ciidamada Kumaandooska  ee DANAB uu qarax miino oo ahaa nuuca dhulka lagu aaso lala eegtay.

Maxamed Yariisoow oo ka mid ahaa saraakiishii ku dhimatay qaraxan ayaa ka mid ahaa dhalinyarada marka la eego sida weyn ugu dhaxmuuqatay saraakiisha da'da yar ee ka tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Waxaa ahaa Taliyaha Cutubka 3aad ee Ciidanka Kumaandooska, waxaa lagu tilmaamay nin geesi ahaa, ka qeyb qaatay howlgalo kala duwan, waxaana uu ka mid ahaa Ciidamadii gudaha u galay Marka ee ka saaray Al-Shabaab.

Weerarka Miino ee lagu dilay Sarkaalkan iyo askarta la socotay ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab oo muddooyinkan kordhisay qaraxyada miino ee ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Al-shabaab ayaa sheegtay qaraxyo dhowr ah maalmihii ugu danbeeyay  ka dhacay magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]