4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2019
Dagaal hub looga furtay Al-shabaab oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

 

Khamiis, October, 03, 2019 (HOL)-Maleeshiyaad abaabulan oo la baxay Macwiisley ayaa weerar ku qaaday subaxnimadii hore ee saakay saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan.

Maxamed Cali Istikiin oo ah horjoogaha maleeshiyaadkan la baxay Macwiisleyda ayaa sheegay in dagaalkaas ay Al-shabaab ku gaarsiiyeen khasaaro kala duwan,hayeeshee  dhankooda uu hal qof ka geeriyooday mid kalena uu ka dhaawacmay. 

Horjoogaha Kooxda Macawiisleyda ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cali Istakiin ayaa sheegay in weerarkii saakay ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, ayna kaga dileen illaa shan ruux, halka ay Hub kala ku qabsadeen.

Waxaa uu sheegay in labo ka mid ah gaadiidka dagaalka ay ku qabsadeen, kaasoo uu saarnaa qoriga loo yaqaano Dhashiikaha.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada  Kooxdan ka tirsan Macawiisleyda ee saakay weerarka ku qaaday deegaanka  Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan.

Macwiisley ayaa ah maleeshiyaad is abaabulay ka soo tirsan bulshada ku dhaqan deegaannada Miyiga,  kuwaasoo sheegay inay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinka ay kala  kulmaan Al-Shabaab, sida in si xoog ah looga qaado Xoolaha ay dhaqdaan  oo ay Al-Shabaab uga qaadaan qaabka loo yaqaano Zakawaatka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]