3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2019
Dibadbaxyo ka kala dhacay Garoowe iyo Kismaayo


Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo ayaa sheegaya in halkaa ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo dilal xalay siyaabo kala duwan uga dhacay labada magaalo

Dadka dibadbaxa ka dhacay magaalada Garoowe ayaa la sheegay in ay ka soo horjeedaan dil Askar ka tirsan ciidamada Puntland uu xalay qof shacab ah ugu geystay magaalada, iyaga oo maamulka Puntland ka dalbanaay in cadaallada la horkeeno Askariga dilka ka danbeeyay.

Dadka careysan ee dibadbaxa dhigayay ayaa taayaro ku shiday  bartamaha magaalada waxaa ay arintaan caqabad ku keentay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga oo dibadbaxayaashu caraqaladeeyeen.

Dhinaca kale magaalada Kismaayo waxaa maanta isugu soo baxay dad ka soo horjeeda dil xalay magaalada loogu geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Xaaji Saciid Ciise Cabdi oo rag hubeysan toogteen xili uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaada Cishaha.

Dadka isugu soo baxay Kismaayo ayaa dalbanayay in la soo qabto dadkii ka danbeeyay dilka, waxaana ay laamaha Amaanku sheegeen in ay wadaan baaritaan la xiriira dilka Nabadoonka.

Magaalada Kismaayo waxaa horey uga dhacay dilal loo geestay Nabadoonmo  caan ahaa m waxaana qaar ka mid ah dilalka lagu sheegay in ay  salka ku hayaan arrimo siyaasadeed,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 


 













Click here
10/21/2019 2:51 PM EST
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in horey loo qaadayo tallaabooyinkii ugu horreeyay ee lagu doonayo in lagu dhimo faqriga iyo shaqo la'aanta.

10/21/2019 1:54 PM EST
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warar maalmihii ugu danbeeyay leysla dhaxmaraayay oo sheegayay in dowladda Soomaaliya ay kala dirtay qarreennadii u dooddayay dacwadda Badda ee hortaala Maxkamada Cadaallada ICJ

10/21/2019 11:18 AM EST
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiir ku-xigeenno.

10/21/2019 5:45 AM EST
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Ciidamada Mareykanka ayaa maanta u tallaabay dalka Ciraq, taasi oo qeyb ka ah ka bixitaankooda waqooyiga Syria ee uu amray madaxweyne Donald Trump ee dhabbaha u xaaray weerarkii ciidamada Turkiga ay ku qaadeen.

10/21/2019 5:35 AM EST
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay iney soo gaba gaboobeen shirarkii sanadlaha ahaa ee uga socday magaalada Washington ee dalka Mareynkanka,kaasi oo ay la lahaayeen madax ka socotay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.

10/21/2019 3:28 AM EST
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

10/21/2019 2:23 AM EST
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)- Qoysaskii ugu badnaa ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka barakacay xaafaddaha magaalada Beledweyne kaddib fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee dhaxmara magaalada

10/21/2019 2:05 AM EST
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Dadka reer Canada ayaa maanta oo isniin ah codkooga ka dhiibanaya doorashada guud ee dalkaasi oo la filayo in ama ay mar kale dib ugu soo doortaan xisbiga ra'iisalwasaare Justin Trudeau.

10/21/2019 1:34 AM EST
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay Doon ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku degtay xeebta Bari magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose

10/21/2019 1:10 AM EST
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Maamul gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan kooxihii ka danbeeyay dil xalay magaalada Kismaayo loogu geystay Nabadoon lagu magacaabi jiray Xaaji Saciid Ciise Cabdi