Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Ciidamada Mareykanka ayaa maanta u tallaabay dalka Ciraq, taasi oo qeyb ka ah ka bixitaankooda waqooyiga Syria ee uu amray madaxweyne Donald Trump ee dhabbaha u xaaray weerarkii ciidamada Turkiga ay ku qaadeen.
Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa arkay in ka
badan 100 gaari oo ka gudbaya waqooyiga bari ee dalka Syria, halkaas oo
Turkiga ay ogolaadeen inay joojiyaan howl-galkii ay ka wadeen kadib
heshiis xabad-joojin ah oo dhex maray Washington iyo Ankara.
Xoghayaha gaashaandhigga, Mark Esper ayaa sabtidii sheegay in
dhammaan 1,000 askari ee Mareykanka ah ee ka baxaya waqooyiga Syria ay u
gudbi doonaan galbeedka Ciraq, halkaasi oo ay kasii wadi doonaan
dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Daacish, “si ay gacan uga gaystaan
difaaca Ciraq”.
Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka digay in Ankara ay
dib u billaabi doonto howlgalkeeda militari ee Syria marka xabad
joojinta ay dhamaato talaadada, haddii ciidamada Kurdiyiinta ay
hoggaamiyaan ee SDF aysan ka wad bixin “aagga amni” ee xuduudda ku
teedsan.
Axaddii, ciidamada SDF ayaa sheegay inay ka baxeen magaalada xuduudda
ku taalla ee Ras al-Ain, taasi oo qeyb ka ahayd heshiiska xabad
joojinta Mareykanka uu ka shaqeeyey, hase yeeshee ciidamada mucaaradka
Syria ee uu taageero Turkiga, ayaa sheegay in weli aysan si buuxda uga
wada bixin.
Reuters