4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2019
Inta badan Qoysaskii ku noolaa magaalada Beledweyne oo ka barakacay Fahataad uu sameeynayo Wabiga Shabeelle

 

Isniin, October, 21, 2019 (HOL)- Qoysaskii ugu badnaa ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka barakacay xaafaddaha magaalada Beledweyne kaddib fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee dhaxmara magaalada.

Roobab xoog leh oo ka da'aya dhulka sare ee Itoobiya iyo qeybo ka mid ah gobolka ayaa sababay biyo badan oo ku soo rogmaday Wabiga Shabeelle oo meelaha qaar magaalada dibadda uga soo baxay gaar ahaan Xaafaddaha Xaawo Taako, Kooshin, oo inta badan ay ka barkaceen qoysaskii ku noolaa oo u barakacay deegaanka CeelJaale  dulleedka Bari ee magaalada Beledweyne.

Inkastoo wali faahaaddu aysan saameyn baalaaran ku yeelan guud ahaan xaafaddaha magaalada ayaa haddana waxaa jira cabsi xoog leh oo ay dadku ka qabaan warar isa soo taraya oo ku saabsan in ay jiraan biyo xooggan ka soo rogmanaya Roobabka ka da'aya dhulka sare ee Itoobiya oo haddii ay soo gaaraan magaalada sababi kara in dadku ay ku go'doomaan guryahooda taasoo keentay in ay goor hore ka sii baxaan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa horay uga sii digay dadka ku dhaqan magaalada khatarta ka dhalan karta fatahaada Wabiga, waxaana uu maamulku ugu baaqay qoysaska ku dhaqan xaafaddaha ay biyuhu ku soo bilaawdeen foojignaan dheeraad ah muujiyaan si aysan wax yeelo uga soo gaarin fatahaada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]