Warbixin ku saabsan Doorashada Canada oo Isniinta maanta ah dadku codadkooda dhiibanayaan
Isniin, October, 21, 2019 (HOL)-Dadka reer Canada ayaa maanta oo isniin ah codkooga ka dhiibanaya doorashada guud ee dalkaasi oo la filayo in ama ay mar kale dib ugu soo doortaan xisbiga ra'iisalwasaare Justin Trudeau.
Ka dib markii si lama filaan ah uu ku guuleystay xukunka dalkaasi
muddo haatan laga joogo afar sano ayaa ra'iisalwasaare Justin Trudeau oo
haatan 47 sano jir ah, waxa uu mar kale doonayaa in dib loo soo doorto
xisbigiisa Liberal ee ay siyaasaddiisu furfuran tahy.
Trudeau ayaa
fuliyay qaar badan oo ka mid ah ballanqaadyadiisii hore sida in uu
sharci ka dhigi doono isticmaalka maandooriyaha Xashiisha ee dawo
ahaanta loo qaadanayo iyo in kharash ku bixiyo daryeelka dhallaanka
dalkaasi.
Hasayeeshee wuxuu ku guuldareystay mararka qaar in
nidaamka dalka ka jira uu u raaco sida ay tahay, waxaana dhawr jeer uu
goradda la galay muran ka dhashay safarro uu ku tagay dalka India iyo
go'aanno masiiri ah oo uu qaatay.
Waxaana haatan doorashadan loo arkaa afti kalsoonida lagu siinayo ama lagala noqonayo ra'iisalwasaare Trudeau.
Hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka, Andrew Scheer, ayaa ah ninka
haysta fursadda ugu wanaagsan ee xukunka kala wareegi kara
ra'iisalwasaare Trudeau balse ninkan oo 40 sano jir ah ayaanan shacbiyad
badan lahayn, waxana si kedis ah uu sanadkii 2017 ku noqday musharaxa
xisbigan.
Dadka kale ee tartankan ku cusub wax aka mid ah Jagmeet
Singh oo isagana 40 sano jir ah isla markaana ah musharraxa xisbiga
NDP. Jagmeet ayaa hoggaanka xisbigaasi qabtay muddo haatan laga joogo
laba sano, waxaana xisbigiisa uu dhibaato kala kulmayay sidii uu
dhaqaale ku heli lahaa maadaama saddex meelood hal meel xubnihii
xisbigaasi ay ka hareen tartanka.
Arrimaha la xiriira dhaqaalaha dalka iyo deegaanka ayaa sidoo kale hareeyay doorashadan.
Dhaqaalaha
dalkaasi ayaa muujinaya xogaa kobac ah halka heerka shaqo la'aanta ay
haatan ku dhowdahay heerkii ugu hooseeyay taariikhda dalkaasi balse
arrimahaasi oo dhan dadka uma sinna.
Xubnaha xisbiga Liberal-ka
ayaa ku faanaya guusha ay ka gaareen in qiyaastii 278,000 oo caruur ah
ay ka soo saareen saboolnimo, sida lagu sheegay xog ay daabacday
dowladda.
Xisbiga Conservative-ka ayaa aad diiradda u saaraya arrimaha la xiriira mustaqbalka dhaqaalaha dalkaasi.
Xog
uruurin la sameeyay dhawaan ayaa lagu ogaaday in labada xisbi ee
Liberal-ka iyo Conservative-ka ay aad isugu dhow yihiin balse waxaa
sidoo kale jirtay in shacbiyaddooda ay labaduba hoos u sii dhaceysay.
Xigasho BBC