4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2019
Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo sheegay in muranka Badda uusan saameyn isku socodka labada dal

 

Axad, October, 20, 2019 (HOL)- Wasiirrada Maaliyada Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku yeeshan magaalada Washington ayaa sheegay in muranka Badda ee ka dhaxeeya labada dowladdood wax saameyn ku yeelan isku socodka Bani'aadannimo iyo Ganacsiga labada dal.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Xoghayaha Lacagta dalka Kenya Ukur Yatani oo wadajir ula hadlay wariyayaasha iyaga oo ku sugan magaalada Washington ayaa sheegay in khilaafka Badda ee labada dowladdood keen wax colaad ah.

“Khilaafka u dhexeeya labada dal ee ku saleysan lahaanshaha 150,000  square-kilometer (58,000 square-mile) oo xeebta badweynta Hindiya ma  sababin wax colaad ah iyo cadaawad ah''' ayeey wada jir u sheegeen labada Labada Wasiir.

Bilihii ugu danbeeyayba ma wanaagsaneyn xiriirka labada dal, iyadoo dhawaan codsi Kenya ay u gudbisay Maxkamada Cadaallada ICJ oo ahaa dib loo dhigo dacwada Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya qeyb ahaan la aqbalay.

Sidoo kale Kenya ayaa dhawaan jabisay amar dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay in diyaaradaha ka imanaya  Nairobi ay soo maraan magaalada Muqdisho, kaddib markii wafdi ka soo kictimay Nairobi si toos ah uga degeen magaalada Kismaayo.

Nairobi waa saldhiga ugu weyn marka la eego hay'addaha caalamiga ah ee deeq bixiyayaasha iyo waliba kuwa ka shaaqeeya arrimaha gargaarka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]