4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2019
Dowladda Soomaaliya oo taageerro militari ka raadineysa Turkiga iyo Eritrea

 

Axad, October, 20, 2019 (HOL)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya xiligan wada-xaajood  la xiriira taageerro militari kula jirto dowladdaha Turkiga iyo Eritrea.

Taageerada miliari oo ay dowladda Soomaaliya ka raadineyso labadan dowladood ee Turkiga iyo Eritrea in ay gacan ka siiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab marka ay Soomaaliya ka baxaan ciidamada AMISOM sanadkan 2021ka.

Daad-gureynta ciidamada iyo agabka militari Turkiga iyo Eritrea u baahan tahay in ay marka hore ansixiyaan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qarramada Midoobay .

Danjiraha Dowwladdaa Turkishka u jooga Kenya, Axmed Kaamil Miroglo ayaa sheegay in hadda uusan ka war haynin La-tashiyadda noocaasi ah.

Haddii ay Turkiga iyo Eritrea ku tallaabsadaan inay Somalia u diraan, Saraakiil ciiddan iyo Qalab Millitari, waxaa ay taasi u muuqan kartaa inay  Somalia ku guuleysatay Hawlgalka AMISOM ee ay Deeq-bixiyayaasha  Caalamiga taageeraan, taaasi oo la filayey in lagu tababaro, laguna  qalabeeyo 30,000 oo Askar Somali ah, ka hor inta aysan AMISOM ka bixin  Soomaaliya sannadka 2021-ka.

AMISOM ayaa muddadii ay joogtay Soomaaliya waxaa lagu guuleystay oo kaliya ay tababaraan 10,000 oo Askari oo ka tirsan ciidanka amaana dowladda federaalka. 

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay warka ku saabsan in ay ciiddamo iyo Qalab u soo diri doonaan  Somalia, marka ciiddanka AMISOM laga wada daad-gureeyo Somalia sannadka  2021-ka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]