4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2019
Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabiley safiiro ka socday midowga Yurub iyo Sweden

 

Axad, October, 20, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Wefti uu hoggaaminayo Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya.

Weftigan reer Yurub waxa hogaaminaya safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ee uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame ayaa qoraalkan lagu sheegay, waxaanu u qornaa sidan “ kulan safiirada iyo madaxweynaha , ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi la isagana kaashan lahaa arrimaha mandaqadda Geeska Afrika."

 

waxa intaas la raaciyey "Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda.”

Weftigan ayaa wararku sheegayan inay yimaadeen khilaafka ka dhashay xubnaha guddida doorashooyinka oo xisbiyada mucaaradku ka soo horjeesteen laba xubnood, taas oo keentay inuu xisbiga WADDANI hakiyo xubintiisii illaa inta labada xubnood laga saarayo guddida doorashooyinka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.