4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2019
Erdogan'' Madaxa ayaan ka jiri doonnaa dagaalyahannada Kurtiyiinta

 

Axad, October, 20, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa "uu madaxa ka jari doono" dagaalyahannada Kurdiyiinta haddii aanay sidii qorshaha ahaa ka bixin aagga nabadda ee waqooyiga Suuriya.

Turkiga ayaa Khamiistii ogolaaday inuu hakiyo weerrar uu muddo shan maalmood ah ku hayay Kurdiyiinta si uu ugu ogolaado in Kurdiyiintu dib uga gurtaan aaggaasi.

Hasayeeshee Sabtidii ayaa labada dhinac midba midka kale waxa uu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xabbad joojinta.

Ankara ayaa waxa ay ciidammada Kurdiyiinta u aragtaa inay argagixiso yihiin waxa ayna doonaysaa inay "aag ammaan ah" ka sameyso gudaha waddanka Suuriya.

Walow la gaaray xabbad joojin ku meel gaar ah, haddana waxaa sii socda qulqulatooyin goos goos ah - gaar ahaan xadka u dhaw magaalada Ras Al-Ain 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]