4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2019
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa xubinnimadii kala laabtay mid ka mid ah guddiga Xudduudaha maamulka

 

Axad, October, 20, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xubinnimadii guddiga Xudduudaha maamulka kala laabtay Aadan Cali Seedoow.

Mas'uulkan xubinnimada lagala noqday Aadan Cali Seedoow ayaa sheegay n xilka uu ka qaaday Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali  Caadle oo dhawaan magacaabay Guddiga madaxa Banaan ee Xuduudaha  maamlkaas. 

Wuxuu sheegay in lagu badallay  Xildhibaan Axmed  Cabdi Cali hargeeyso oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka  Hirshabeelle. 

Tallaabadan uu qaaday Wasiirka Arimhaha Gudaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa imaneysa xili maalmihii ugu danbeeyay uu taagnaa khilaaf xooggan oo ka dhashay magacaabista guddigan iyo waliba sida loogu kala qeybiyay xubnaha deegaannada labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo siweyn looga horyimid. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]