4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2019
Xildhibaanno ka soo horjeestay qorshe Puntland ay ku joojisay xafiisyo ay furteen Wasiirro heer Federaalka

 

Axad, October, 20, 2019 (HOL) – Qoraalka soo baxay Wasaarrada Arrimaha Gudaha Dowlad gobolleedka Puntland ayaa sharci darro lagu tilmaamay xafiisyo Wasiirro ka tirsan dowladda Federaalka oo ka soo jeeda Puntland ka furteen deegaan doorashadooda.

Puntland ayaa ku tilmaamtay tallaabada ay qaadeen Wasiirradan oo sidoo kale ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed mid sharci darro ah, madaama markii horeba aysan ku iman hab deegaan laakiin lagu soo doortay habka beelaha ee 4.5.

Laakiin tallaabadaa ay qaaday Puntland waxaa diiday oo ka soo horjeestay xildhibaanno iyo Senator-ro ka tirsan Aqalka sare oo sheegay in aysan wafaqsaneyn go’aankaa ay qaadatay Puntland.

Senator Max’uud Mashruuc oo ka mid ah Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaas mamnuucista ah uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka Soomaaliya, isla markaana kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020 aysan Puntland u adeegsan karin is hortaagga xuquuqda matalaadda.

“Madaxda Puntland waa inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Senatorka oo soo dhaweeyey fikradda ah in degaan doorashada iyo xubinta ku matasha Baarlamaanka ay wada yeeshaan xiriir joogto ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo tirsan Golaha wakiillada Puntland ayaa isna sharci-darro ku tilmaamay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, waxaana uu ugu baaqay Wasaaradda inay ka laabato warqadda joojinta xafiisyada ay Puntland ka furteen Xubno katirsan golaha Wasiirada Soomaaliya.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Dhexe ee Federaalka, iyadoo qoraalkan ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha Puntland uu muujinaya sida uu u sii xumaanayo xiriirka labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]