Hay'adda IMF oo soo dhaweysay qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya
Axad, October, 20, 2019 (HOL)- Soomaaliya ayaa dadaal ballaaran ugu jirta sidii looga dhaafi lahaa ama looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay, waxaana maalmihii ugu danbeeyay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ka soconaya kulamo arintaa ku saabsan.
Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayaa ka hadashay kulan magaalada Washongton maalintii shalay ay kula yeelatay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo u horkacyo Ra'iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre, waxeyn sheegtay in kulankaasi uu ahaa mid miro dhal ah.
''Waxaan kulan mira dhal ah shalay kula qaatay xarunta dhexe ee IMF ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo aan ugu hambalyeeyay dhaqan galinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib u-habeynta
dhaqaalaha iyadoo ay jireen caqabado badan”ayay tiri Kristalina.
Warka ka soo baxay hay'adda ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta iy,adaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhammeystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen.
Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxaa ay
qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u
deymeysan (HIPC).
“Joogteynta shaqo wanaagga xooggan oo ay la jirto taageerada
saaxiibada caalamiga ah waxa ay waddada u xaareysaa Soomaaliya in deynta
laga nadiifiyo mustaqbalka dhaw.
Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u
taageersan tahay dadaallada Soomaaliya ee deyn cafinta oo ay ka mid
tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka
maaliyadeed ee muhiimka u ah deyn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka
ku baxaya deyn cafinta”, ayaa sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaallada
lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Soomaaliya laga nadiifiyo
deymaha lagu leeyahay si ay ugu furmaan albaabbada hey’adaha dhaqaalaha
adduunka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]