4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Ingiriiska oo dhex dhexaadinnaya Soomaaliya iyo Kenya

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay iskudayi doonta  dhexdhexaadin ka dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya oo ku saabsan muranka badda.

Safiirka Britain ee Kenya, Jane Marriot  waxay sheegtay inay jeclaan lahayd inay aragto Kenya iyo Soomaaliya oo muranka xudduudda badda si nabadgelyo leh ku xalliyay.

Marriott wuxuu sheegay in wadahadalku wali yahay furaha xallinta khilaafaadka badda ee u dhexeeya labada waddan. Waxay arrimahan kala hadashay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya oo ay gurigiisa ku booqatay Talaadadii.

Dowladda Soomaaliya waxay diiddan tahay wadahadal lagu dhammeeyo muranka, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu ka hor sheegay toddobaadkii hore golaha Qaramada Midoobay inay sugi doonaan natiijada ka soo baxda maxkamadda dambiga caalamiga ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]