3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Mareykanka oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu dib u furay safaaraddii uu ku lahaa Muqdisho

 

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-War kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta si rasmi ah dib loogu aas-aasay safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya  ayaa la xiray 5-tii bishii Janaayo ee 1991-kii, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii hore dib u aas-aasay howl-galkiisa diblomaasiyeed  ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dib u aas-aasidda safaaradda uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Yamamoto ayaa sheegay in tallaabada dib loogu aas-aasay safaaradda ay “dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.”

Waxa uu yiri “Waa ahmiyad weyn oo taariikhi ah, oo caddeyn u ah horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.”

Qoraalka howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray “Tani waa tallaabo kale oo loo qaaday sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii sanaddii 2018 la aqoonsaday dowladda Soomaaliya.”

Yamamoto ayaa ballan-qaaday in Mareykanka uu wadi doonno in uu saaxib  xooggan la ahaado Soomaaliya, si looga caawiyo dhismaha dal xasiloon oo  dimoqraadi ah.

Xigasho VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
 

 

 













Click here
10/2/2019 4:24 PM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay bixinta $ 257 milyan oo dollar oo dheeraad ah si wax looga qabto xaaladaha Bani'aadannimo ee ka jira dalka Soomaaliya.

10/2/2019 2:59 PM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay iskudayi doonta dhexdhexaadin ka dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya oo ku saabsan muranka badda.

10/2/2019 10:49 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Shir jaraa'id oo ay wada jir magaalada Muqdisho ugu qabteen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliay Shariif Sheekh Axmed Xassan Sheekh Axmed ayeey siweyn ugu dhaliileen siyaasadda Dowladda Soomaaliya.

10/2/2019 10:33 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku safarayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

10/2/2019 9:26 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Shirka madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha oo labo maalin ka socday Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

10/2/2019 6:46 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Wakiilka xoghayaha guud ee Qarramada Midoobey James Swan oo khudbad ka jeedinayay maanta shirka Iskaashiga Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka.

10/2/2019 6:00 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ku biiray shirka Iskaashiga Soomaaliya ee heerka Caalami ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa khudbad uu ka jeediyay waxaa uu soo hadal qaaday maamulllada ka maqan shirka oo muhiim ay tahay ayuu yiri in la doonno.

10/2/2019 4:51 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Nin ku hubeysan qoriga AK47 Nin dhalinyaro ah oo ka tirsan dadka deegaanka.

10/2/2019 4:40 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha deymaha looga cafinayo dalka oo ay kasoo qayb galeen wakiillo ka socda wadamada deymaha ku leh Soomaaliya, Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka.

10/2/2019 2:58 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda gobolleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Dowladda ingiriiska Ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Amniga, Dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle iyo Shirka iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

10/2/2019 2:44 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Cumar Cabduqaadir Shiikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari.

10/2/2019 1:22 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan qayb ka ah Shirka madasha iskaashiga Soomaliya, oo looga hadlay Maal gelinta horumarinta khayraadka biyaha dalka, ayaa sheegay in maal gelinta horumarinta biyuhu ay ka dhigantahay kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadidda amniga iyo xasiloonida dalka iyo dhismaha kalsoonida hey’adaha dowladeed.

10/2/2019 1:02 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka Iskaashiga heerka Caalami ee Soomaaliya oo maalintii shalay furmay. waxana ka qeyb-galaya Wakiilo ka socda Dowladaha taageera Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah.

10/2/2019 12:46 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland mar walba diyaar u tahay sida uu hadalka u dhigay wadahadal ay la gasho dowladda Soomaaliya, isaga oo mar kale ku celiyay in aysan qeyb ka aheyn wixii ka soo baxa shirka Iskaashiga Soomaaliya ee ka soconaya Muqdisho.