4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo wadajir ah u dhaliilay Siyaasadda Dowladda

 

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Shir jaraa'id oo ay wada jir magaalada Muqdisho ugu qabteen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliay Shariif Sheekh Axmed Xassan Sheekh Axmed ayeey siweyn ugu dhaliileen siyaasadda Dowladda Soomaaliya.

Shirkan jaraa'id oo u muuqday mid lagu soo beegay xili maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka Iskaashiga heerka Caalami ee Soomaaliya ayuu sheegay Shariif Sheekh Axmed in wax wanaagsaneyn aheyn in la qabto shir  ay ka maqnaayeen qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka sida Puntland iyo Jubbaland.

''Waxaan ka xunnahay in la qabto shir ay ka maqan yihiin qaar ka mid ah maamul gobolleedyada, taa waxaa ay keeni kartaa in dalku sii kala furfurmo, waxeyna dhaawac ku tahay dowladnimadeena''ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu sheegay in ka hadalka siyaasadda qaldan ee dalka lagu hoggaaminayo sida uu hadalka u dhigay uga hari doonin dhalinyaro yaryar oo baraha bulshada ku soo diri aflagaado'' Marnaba dalkan dhibaatada ka jirta ka hadaliiisa ugama hari doono dhalinyaro  yar yar oo qurbaha jooga ama lamarin habaabiyey ee  caaytamaya,aana wadeynaa waxa aan xaqa u leeyahay ayuu yiri” ayuu yiri  Sheekh Shariif.

Wuxuu dhinaca kale sheegay in dalkan heystaan Labo cadaw oo uu tilmaamay in ay kala yihiin Al-shabaab iyo Dowladda, isaga oo ku dhaliilay in Wasiiradda ku jira Xukuumada marnaba ka hadli karin xaqa iyo waxa dalka ka taagan.

Madaxweynihii hore ee Soomaalyia Xassan Sheekh Maxamuud oo shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in mas'uuliyiinta dowladdu noqdeen kuwo siyaasadda isku kooba isaga oo tusaale u soo qaatay oo yiri ''Haddii dowlad goboleed xil ka banaanaado waxa ay u dirtaa wasiir taageersan xilalka kalena waxa ay u dirtaa dowladu shaqaalaha xafiisyadooda.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xassan Sheekh ayaa intaa ku daray'' "Hadaan kalsooni imaanin Puntland la arki maayo,Jubaland la arki maayo,Galmudugna wax fiican kama soo baxayaan kuwa kaloo maanta joogana masii fiicnaanayaan" 

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo kulan maalintii shalay ka dhacay Muqdisho lagu sheegay in ay ku midoobeen intaba badan Asxaabta siyaasadda ugu tunka weyn dalaka.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan jawaabin eedeymaha is daba jooga ah ee uga imanaya Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]