3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka oo warmurtiyeed laga soo saaray

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Shirka madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha oo labo maalin ka socday Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay dowladda Federaalka, saddex dowlad gobolleed iyo Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo deeq bixiyaasha.

“Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka waxay isku raaceen hannaanka la xisaabtan loo wada dhanyahay oo lagu soo koobayo si wadajir ahna diiradda lagu saarayo meelaha mudnaanta u leh tallaabada la rabo in la qaado iyo dhaqaalaha lagu qabanayo si loo xaqiijiyo mudnaanta lafdhabarka u ah natiijooyinka loo baahan yahay in la gaaro ka hor Bisha Diseembar 2020.” ayaa lagu yiri warmurtiyeed shirka laga soo saaray.

“Saaxiibada caalamku waxay hoos ka xariiqeen, marka laga reebo horumarka laga gaaray ahmiyado dhowr ah, in la xoojiyo wadashaqeynta dhanka siyaasadda ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka mid Dowlad Goboleedyada. “ ayuu lagu yiri warmurtiyeedka.

Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamku waxay 1dii iyo 2dii bishan Octoobar 2019 kulan ku qaateen magaalada Muqdisho, kulankaasoo ka mid ahaa kulamadii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka.  

Ka soo qeybgalayaasha waxay aad uga hadleen horumarkii la sameeyay tan iyo kulankii ugu dambeeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee dhacay bishii Luulyo 2018 oo la isku raacay in si wadajir ah loo qaado tallaabooyinka mudnaanta  leh ee lagu abbaarayo caqabadaha  harsan.

Saaxiibada Caalamka waxa ay qireen waxqabadka ay sameeyeen Soomaalidu, waxayna madaxda Soomaalida  ku bogaadiyeen horumarkii weynaa ay ka sameeyeen dib u habeynta iyo kor u qaadista Maareynta Maaliyada Dowladda iyo kobcinta dakhliga canshuuraha, wada-tashigii laga sameeyay Qorshaha  Horumarinta Qaranka, dib u habeyntii ballaarneyd ee laga sameeyay Amniga, guulihii laga gaaray howlgalladii dib u xureynta iyo xasilinta goobihii gacanta ugu jiray alshabaab, kor u qaadistii lagu sameeyay adeegyada bulshada iyo hormarkii laga gaaray dib u heshiisiinta meelaha qaarkood.

Sidaa soo kale, waxaa harsan dhowr caqabadood oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo shaqa abuurka, kobcinta dhaqaalaha, sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo u gurmashada  dhibaatoyinka banii’aadam nimada,  u diyaargarowga iyo u adkeysiga musiibooyinka, sameynta dhidhibada siyaasad loo dhanyahay, xoojinta ixitraamka xuquuqul insaanka,  ka qeyb gelinta iyo matalaadda howeenka iyo beelaha laga tirada badanyahay.

Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka waxay isku raaceen hannaanka la xisaabtan loo wada dhanyahay oo lagu soo koobayo si wadajir ahna diiradda lagu saarayo meelaha mudnaanta u leh tallaabada la rabo in la qaado iyo dhaqaalaha lagu qabanayo si loo xaqiijiyo mudnaanta lafdhabarka u ah natiijooyinka loo baahan yahay in la gaaro ka hor Bisha Diseembar 2020.

 Saaxiibada caalamku waxay hoos ka xariiqeen, marka laga reebo horumarka laga gaaray ahmiyado dhowr ah, in la xoojiyo wadashaqeynta dhanka siyaasadda ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka mid Dowlad Goboleedyada.

Madaxda Soomaalidu waxa ay isku raacday ahmiyadda gaarka ah ay leedahay wadashaqeyntaas si horumar looga gaaro arrimaha siyaasadda, arrimaha amniga, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo in ay arrimahaas u baahanyihiin ka go’naansho adag ee madaxda labada dhan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

2
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si guul ah ku soo afjarto howlgallada amniga ee socda, in ay qaaddo howlgallo kale oo ka dhan ah Alshabaab iyo  in ay dhammeystirto dib u habeynta mudnaanta u leh amniga, caddaaladda iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha. Iyadoo diiradda lagu hayo arrimaha kor ku xusan ayaa 2020 si wadajir ah la iskula aqoonsanayaa loona qorsheynayaa, si loo xaqiijiyo in dhammaan qeybaha ku shaqada leh ay mideeyaan dadaalladooda iyo dhaqaalaha ay haystaan inay ku bixiyaan meelihii lagu heshiiyay.

Saaxiibada Caalamka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay taageeraan sidii loo heli lahaa ciidammo amni  oo u hoggaansan  dhowrista xuquuqda aadanaha taas oo ay ka mid tahay  xuquuqda dadku u leeyihiin helista caddaalad, kana shaqeeyaan xaslinta goobaha dhowaan laga xoreeyay argagixisada, iyo geeddi socodka dib u haybenta  shaqaalaha iyo hagaajinta habka mushaar bixinta ciidammada.


Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamku waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan qaadista tallaabooyin dheeri ah oo lagu xaqiijinayo xaalad kala guur oo xasilloon oo ay AMISOM arrimaha amniga dalka ugu wareejineyso Ciidammada Amniga Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin wada jir ah oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo geeddi socodka doorashooyinka federaalka iyo xoojinta amniga caasimadda.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso halbeegyada barnaamijka deyn cafinta ee hay’adda lacagta adduunka ( SMP4) iyadoo saaxiibbda caalamkana ay ka go’an tahay in ay si firfircoon uga taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii ay u xaqiijin lahayd halbeegyadaas; iyadoo lagu dul dhisayo guulaha la gaaray iyo in la qaado talalabooyinka lagama maarmaanka ah, si loogu diyaar garoobo go’aannada muhiimka ah ee 2020 ee la xiriira deyn cafinta waddammada saboolka ah.

Saaxiibbada caalamku waxa ay soo dhoweeyeen kulan howleedkii Addis Ababa ee ku saabsanaa geeddi socodka deyn cafinta, waxa ayna ku dhiirri geliyeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan  dadaalladooda heerka siyaasadeed, si loo xoojiyo loona horumariyo hannaanka maaliyeed ee heerarka kala duwan ee dowladda.

Si loo xaqiijiyo in dowladda Soomaaliya ay qabato doorasho qof iyo cod ah dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021 waxaa  ka go’an hay’daha fulinta iyo xeer dejinta dalka in ay meel mariyaan sharciga doorashooyinka bisha December 2019.

Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dhammeystirto dib u eegista dastuurka bisha June 2020, ansixinta dastuurka ka dib marka wax ka baddelis lagu sameeyo, in la dhiso Maxkamadda dastuuriga ah iyo Golaha Adeegga Garsoorka, sii wadista geeddi socodka dhab-u heshiinta Qaranka, iyo xaqiijinta ka qeybgalka dhammaan qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin haweenku gaarista go’aannada siyaasadeed ee dalka.

Saaxiibbada caalamku waxa ay oggolaadeen  in la dhiirri geliyo wada xaajoodka, ka qeybgalka siyaasadda iyo urururta dhaqaale dowladdu ku maalgeliso ansixinta shuruucda hortabinta leh si loo taageero howlaha la soo sheegay, iyo in laga caawiyo Soomaalia in howlahaasi ku qabsoomaan xilliyadii loo qorsheeyay.

3
Soomaaliya waxaa ka go’an in ay mudnaanta koowad siiso xoojinta dhallinayarada iyo in loo abuuro fursado shaqooyin. Iyadoo la dhisayo u adkeysiga, loona marayo badbaadinta bulshada, in loo helo xal waara arrimaha qaxootiga,  dadka waddanka dib ugu noqonaya iyo barakacayaasha gudaha, iyadoo la xushmeynayo, mabaadi’da bani’aadamnimada iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha; iyo in la kordhiyo adeegga bulshada.

Taas oo noqonaysa   in si wanaagsan isula jaanqaadaan taageeridda arimaha horumarinta mudnaanta la siinayo qorshaha horumarinta qaran ee 9aad, xoojinta awoodda dowladda si ay u bixiso adeegyada bulshada, si kor loogu qaado awoodda baniaadmnimo, gaar ahaan in la buuxiyo, inta ka dhiman kaalmada qorshaha baahida bani’aadamnimada ee 2019.

Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka waxaa ay isku raaceen in si wadajir ah ay wax uga qabtaan maareynta biyaha, horumarinta shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, is-dhexgalka ganacsiga gobolka, iyo hagaajinta kaabayaasha adeegyada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku talo jirtaa in sameyso, siyaasad qaran oo lagu xallinayo is-beddelka cimilada iyo in ay sameyso shuruuc dhiirrigalineysa shaqo abuur .

Soomaaliya waxaa ay sameysay horumar sanooyinkii la soo dhaafay taas oo ay mahadeeda leedahay iskaashigii xoogannaa ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka. Waxaa ay isku raaceen in ay xaqiijiyaan isna waafajiyaan dadaalladooda, iyada oo kor loo qaadayo isticmaalka nidaamyada dalka, in la meelmariyo lana hirgaliyo, hannaanka sharciga qaranka ee lagu maamulayo hey’adaha qaranka iyo hey’adaha caalamiga ah, taas oo ay ku jiraan in loo sameeyo shuruuc badbaadineysa hey’adaha aan dowliga aheyn, iyo sidoo kale in lagu daro, dastruurka ku meel gaarka ah iyo sharciga xuquuqal aadanaha, iyo in hey’adaha aan dowliga aheyn ay ku dhaqmaan shuruucda dalka.

Madashu, waxaa ay xaqiijineysaa ballanqaadyada dhammaan ka qeybgalayaasha madasha iskaashiga saaxiibada caalamka iyo mabaad’ida ku saleysan hanaanka isla xisaabtan loo wada dhanyahay si kor loogu qaado dadaallada wada-jira ee ku aadan mustqabalka ifaya ee Soomaaliya.

Ka qeybgalayaasha madashu waxaa ay bogaadiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dalalka ugu yaboohay ciidamada AMISOM sida geesinimda leh naftooda ugu huray soo celinta nabada Soomaaliya,  Soomaaliya waxaa ay caddeyneysaa in ay Sharaf iyo qadarin u heyso dhammaan saaxiibada  caalamka ee taageerada kula garab istaagay dib u dhiska dowladnimada, horumarka xasiloonida si ay ugu naaloodaan dhaan shacabka Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/2/2019 4:24 PM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay bixinta $ 257 milyan oo dollar oo dheeraad ah si wax looga qabto xaaladaha Bani'aadannimo ee ka jira dalka Soomaaliya.

10/2/2019 2:59 PM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay iskudayi doonta dhexdhexaadin ka dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya oo ku saabsan muranka badda.

10/2/2019 11:48 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-War kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta si rasmi ah dib loogu aas-aasay safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

10/2/2019 10:49 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Shir jaraa'id oo ay wada jir magaalada Muqdisho ugu qabteen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliay Shariif Sheekh Axmed Xassan Sheekh Axmed ayeey siweyn ugu dhaliileen siyaasadda Dowladda Soomaaliya.

10/2/2019 10:33 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku safarayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

10/2/2019 6:46 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Wakiilka xoghayaha guud ee Qarramada Midoobey James Swan oo khudbad ka jeedinayay maanta shirka Iskaashiga Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka.

10/2/2019 6:00 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ku biiray shirka Iskaashiga Soomaaliya ee heerka Caalami ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa khudbad uu ka jeediyay waxaa uu soo hadal qaaday maamulllada ka maqan shirka oo muhiim ay tahay ayuu yiri in la doonno.

10/2/2019 4:51 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Nin ku hubeysan qoriga AK47 Nin dhalinyaro ah oo ka tirsan dadka deegaanka.

10/2/2019 4:40 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha deymaha looga cafinayo dalka oo ay kasoo qayb galeen wakiillo ka socda wadamada deymaha ku leh Soomaaliya, Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka.

10/2/2019 2:58 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda gobolleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Dowladda ingiriiska Ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Amniga, Dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle iyo Shirka iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

10/2/2019 2:44 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Cumar Cabduqaadir Shiikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari.

10/2/2019 1:22 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan qayb ka ah Shirka madasha iskaashiga Soomaliya, oo looga hadlay Maal gelinta horumarinta khayraadka biyaha dalka, ayaa sheegay in maal gelinta horumarinta biyuhu ay ka dhigantahay kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadidda amniga iyo xasiloonida dalka iyo dhismaha kalsoonida hey’adaha dowladeed.

10/2/2019 1:02 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka Iskaashiga heerka Caalami ee Soomaaliya oo maalintii shalay furmay. waxana ka qeyb-galaya Wakiilo ka socda Dowladaha taageera Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah.

10/2/2019 12:46 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland mar walba diyaar u tahay sida uu hadalka u dhigay wadahadal ay la gasho dowladda Soomaaliya, isaga oo mar kale ku celiyay in aysan qeyb ka aheyn wixii ka soo baxa shirka Iskaashiga Soomaaliya ee ka soconaya Muqdisho.