4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Madaxweyne Xaaf'' Waa in maamullada naga maqan la doono xitaa Somaliland lagu soo daro kulamada noocan ah

 

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ku biiray shirka Iskaashiga Soomaaliya ee heerka Caalami ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa khudbad uu ka jeediyay waxaa uu soo hadal qaaday maamulllada ka maqan shirka oo muhiim ay tahay ayuu yiri in la doonno.

''Waxaan iska kaashan-doonnaa in aan doonno saaxiibadda naga maqan ee maamul gobolleedyada ,xitaa Somaliland, oo hadda kaddib aysan maqnaan kulamadan noocan oo kale ah, beesha caalamkana waxaan ka rabnaa in aad si dhab ah noola shaqeysaan'' ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in wadashaqeyn dhexmarto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka,isla markaana Somaliland ay kusoo biirto wixii ka dambeeya Shirkaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedetaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug in uu Khudbad xasaasi ah ka jeediyo Shirka Iskaashiga Soomaaliya, isagoona tilmaamay in howlaha dhamaystirka Galmudug uu hogaamin doono Madaxweyne Axmed  Ducaale Geelle Xaaf.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]