4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay degmada Cadaado

 

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in nin ku hubeysan qoriga AK47 nin dhalinyaro ah oo ka tirsan dadka deegaanka.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liibaan Xassan, waxaana wararku sheegayaan in lagu dhex-dilay goob ganacsi  uu ku lahaa xaafad lagu magacaabo Laanweyn.

Dad ku sugan degmada ayaa warbaahinta u sheegay in ninka la dilay iyo kan wax  dilay uu maalmahaan khilaaf ka dhaxeeyay,  hasse ahaatee saakay uu dilkaasi  dhacay.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ninka dilka geystay ay  ciidamada Booliska magaalada  Cadaado gacanta ku dhigeen, islamarkaana la  geeyay saldhiga Booliska magaalada, kaddib markii isaga uu saldhiga  tagay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]