4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Madaxweyne Waare oo la kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya


Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda gobolleedka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Dowladda ingiriiska Ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Amniga, dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabeelle iyo Shirka iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka Madaxweynaha iyo Danjiraha ay wada qaateen ayaa waxaa ku wehlinayay u qeybsamaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK ee Africa  haweyneyda lagu magacaabo Harriet Mathews, waxaana kulanka oo ahaa mid  waqti badan qaatay diirada lagu saaray sidii Hirshabeelle looga gacansiin  lahaa dhinac-yada horumarinta iyo ammaanka iyo sidii loo casriyeyn lahaa dhismaha ciidanka Booliiska Hirshabeelle Dowladda Ingiriiskana ay uga sameysan laheyd Hirshabelele xero ciidanka lagu tababarayo.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda gobolleedka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander iyagoo ka wada hadlay arrimo  kale duwan oo la xiriira sidii Hirshabeelle looga fulin lahaa mashaariicyada Swdeden oo ay fuliyaan hey'adaha Qarramada Midoobay sida barnaamijyad caafimaadka, horumarinta haweenka, Horumarinta Ganacsiga,  iyo shaqo abuurka Dhalinyarada.

Kulanka  Madaxweyne Waare iyo safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander ayaa waxa ku wehlinayay, U qeysamaha Wasaaradda  arrimaha Dibadda ee Africa Ola Karlman, waxaana arrimihii laga wada  hadlay uu safiirka balan-qaaday in ay fulinayaan dhawaana uu booqasho ku tagi doono deegaannada HIrshabeelle  si loo kordhiyo mashaariicyada lagu caawinayo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]