4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah riday

 

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Cumar Cabduqaadir Shiikh Nuur Xusseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari.

Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhacca geysanayay ay aheyd xilli  dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta u soo gudubtay  eedda eedeysanaha  20-kii July Sanadkan.

Xilligaaas ayuu codsaday xafiiska In loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska oo wixii xilligaas ka dambeeyay isku howlay aruurinta xogta  la xiriirta sida ay wax u dhaceen ayaa ugu dambeyn codsaday in la  muddeeyo dhageysiga dacwadda Sedaxda bishii ina dhaaftay ee September.

24-kii September ayaa loo ballamay fadhiga Maxkamadda waxaana ugu  horreynba loo jeediyaya eedeysane dable xoogga dalka Cumar Cabduqaadir  Sheikh Nuur Xuseen eed ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta  Ciidamada Qalab Sida, waxaana eedeysanaha la weydiiyay jiritaanka eedaha  ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fursad loo siiyay  soo bandhigidda Cadeymaha la xiriira Qodobada ay kusoo eedeeyeen oo ka koobnaa Dil iyo Dhac.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida kaasoo uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu dhac ka geystay degmada Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta.

Waxyaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa kamid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay Geerida Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow.

Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku  geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada.

Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Qodobada ay kusoo eedeeyeen maadaama eedeysanaha uu caadeystay dhacca dadweynaha iyo u bareeridda inuu nolosha dhaafiyo mid kamid ah ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan xuquuqda Shacabka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen uu iska difaacayay xabado ay kusoo rideen Ciidamada Boliiska, Sidoo kale uusan ku tala gelin dilka Marxuumka, waxa ayna Garsoorayaasha weydiisteen in laga qaado diyo.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan kasoo saartay eedda loo heysto  Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur  Xuseen waxa ayna ku  xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaasta Ex dable Boliis  Jamal Abuukar  Jiinow sida uu sheegay gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida, go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka kadib.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]