3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo guddoomiyey kulan qeyb ka ahaa Shirka Iskaashiga

 

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),  Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan qayb ka ah Shirka madasha iskaashiga Soomaliya, oo looga hadlay Maal gelinta horumarinta khayraadka biyaha dalka, ayaa sheegay in maal gelinta horumarinta biyuhu ay ka dhigantahay kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadidda amniga iyo xasiloonida dalka iyo dhismaha kalsoonida hey’adaha dowladeed.

Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, James Swan, maamule gobaleedka Bangiga horumarinta Afrika ee arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, madaxa Bariga Afrika ee wasaaradda iskaashiga dhaqaaha dowladda Jarmalka,iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Soomaaliya, Rwanda, Uganda iyo Kenya, ayaa kulanka ka sheegay in maal gelinta khayraadka biyaha dalka ay muhiim u tahay horumarka bulshada.

Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in 24% dadka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 15.44 milyan, ay heli karaan biyaha ay u baahanyihiin Sababo la xariira in aysan jirin awood iyo hannaan biyaha lagu soo saaro oo fududeyn karta in bulshadu ay hehso biyaha ay u baahantahay.

Ra’iisul wasaaaraha oo u mahad celiyay deeq bixiyayaasha, ayaa sheegay in loo baahanyahay in lasii joogteeyo taageerada, si loo gaaro hadafyada la hiigsanayo oo ah in shanta sano ee soo socota ay dadka Soomaaliyeed helaan biyo ku filan iyo in la maamulo khayraadka biyaha arrintaas oo qayb ka qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha, yareynta qalaqaalaha ka dhasha biya la’aanta iyo saameynta abaaraha.

Kualnka waxaa goob joog ka ahaa, ergooyinka ka qayb gelay shirka Caalamiga ah ee madasha ishaashiga Soomaaliya ee maanta Muqdisho ka furmay, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
10/2/2019 4:24 PM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay bixinta $ 257 milyan oo dollar oo dheeraad ah si wax looga qabto xaaladaha Bani'aadannimo ee ka jira dalka Soomaaliya.

10/2/2019 2:59 PM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay iskudayi doonta dhexdhexaadin ka dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya oo ku saabsan muranka badda.

10/2/2019 11:48 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-War kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta si rasmi ah dib loogu aas-aasay safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

10/2/2019 10:49 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Shir jaraa'id oo ay wada jir magaalada Muqdisho ugu qabteen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliay Shariif Sheekh Axmed Xassan Sheekh Axmed ayeey siweyn ugu dhaliileen siyaasadda Dowladda Soomaaliya.

10/2/2019 10:33 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku safarayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

10/2/2019 9:26 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Shirka madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha oo labo maalin ka socday Muqdisho ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

10/2/2019 6:46 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Wakiilka xoghayaha guud ee Qarramada Midoobey James Swan oo khudbad ka jeedinayay maanta shirka Iskaashiga Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday khilaafka dowladda iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka.

10/2/2019 6:00 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ku biiray shirka Iskaashiga Soomaaliya ee heerka Caalami ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa khudbad uu ka jeediyay waxaa uu soo hadal qaaday maamulllada ka maqan shirka oo muhiim ay tahay ayuu yiri in la doonno.

10/2/2019 4:51 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Nin ku hubeysan qoriga AK47 Nin dhalinyaro ah oo ka tirsan dadka deegaanka.

10/2/2019 4:40 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha deymaha looga cafinayo dalka oo ay kasoo qayb galeen wakiillo ka socda wadamada deymaha ku leh Soomaaliya, Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka.

10/2/2019 2:58 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda gobolleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Dowladda ingiriiska Ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Amniga, Dhismaha Ciidanka Boliiska Hirshabelle iyo Shirka iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

10/2/2019 2:44 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)-Cumar Cabduqaadir Shiikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari.

10/2/2019 1:02 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka Iskaashiga heerka Caalami ee Soomaaliya oo maalintii shalay furmay. waxana ka qeyb-galaya Wakiilo ka socda Dowladaha taageera Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah.

10/2/2019 12:46 AM EST
Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland mar walba diyaar u tahay sida uu hadalka u dhigay wadahadal ay la gasho dowladda Soomaaliya, isaga oo mar kale ku celiyay in aysan qeyb ka aheyn wixii ka soo baxa shirka Iskaashiga Soomaaliya ee ka soconaya Muqdisho.