4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 2 , 2019
Madaxweyne Deni ‘’ Waxaan diyaar u nahay in aan wadahadalno Dowladda Federaalka

 

Arbaco, October, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland mar walba diyaar u tahay sida uu hadalka u dhigay wadahadal ay la gasho dowladda Soomaaliya, isaga oo mar kale ku celiyay in aysan qeyb ka aheyn wixii ka soo baxa shirka Iskaashiga Soomaaliya ee ka soconaya Muqdisho.

“Waxaan  la socdaan dad aan waxba ka ogeyn waxa jira ay aqbalaan wixii loo sheego,waxaan diyaar u nahay Annaga in aan dowladda federaalka la furno wada-hadallo Toos loo daawado si Bulshada u ogaato wixii aan isku heyno ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Wuxuu sheegay madaxweyne Dani in aan Puntland marnaba laga tal-galin shirka ka soconaya magalada Muqdisho, sidaa daraadeed aysan jirin sabab ay uga qeybga-sho.

‘’Annaga shirkaa wax watashi ah markii horeba nalagala yeelan, Ajandihiisana ma ogeyn, waana sababta uu qaadacnay.

Jadwalka shirka marka la eego madaxweyne Deni waxaa uu maanta ku qornaa khubad la xiriira hadal jeedinta shirka, sidoo kale waxaa jadwalka ku jira Wasiirka Maaliyada Jubbaland oo lagu martiqaaday shirka, laakiin labadooduba qeyb kama ah shirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]