3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2019
Xildhibaannada Wasiirrada ah oo loogu baaqay in ay soo xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka

 

Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay xildhibaannada Wasiiradda ah in ay soo xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaannada Wasiirrada ah yihiin kuwo aad u badan oo looga maarmin in ay yimadaan fadhiyada Golaha Shacabka, madaama ayuu yiri uu Golaha horyaallaan shaqooyin badan oo u baahan in si wada jir ah looga gudbo.

''Tirada Golaha Wasiirada waa kuwo aad u badan, ma aha tiro yar, in ay shaqo kale oo Qaran jiraan ma'aha e' waa in ay soo xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka ayuu yiri'' Guddoomiye Mursal.

Xildhibaannada Golaha Wasiirada ayaa la sheegaa in ay fadhiyada Golaha Shacabka soo xaadiraan oo kaliya marka ay jiraan arrimo xasaasi ah oo quseeya xukuumadda, balse aan soo xaadirin marka laga hadlayo Ajandayaasha kale ee aan sida toos ah ku quseyn howlaha xukuumadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
10/19/2019 1:45 PM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad gobolleedka Puntland ayaa Qoraal ay soo saarta ku sheegtay in aysan wax sharciyad ah heysan xafiisyo xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Federaalka ka furteen deegaan doorashadooda.

10/19/2019 1:41 PM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay Qaabka Guud ee Bixinta Rukhsadaha Isgaarsiinta Dalka (Unified Licensing Framework - ULF), kaas oo lagu nidaaminayo rukhsadaha isgaarsiinta dalka, iyadoo shirkaas ay ka soo qeyb galeen shirkadaha isgaarsiinta, teknolojiyada, warbaahinta, iyo wasaaradaha dawladda ee ay khuseyso.

10/19/2019 10:16 AM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta kualnkoodii ugu horeeyay Kalfadhiga 6aad ku yeeshay xarun cusub oo ay u dhistay dowladda Turkiga.

10/19/2019 8:52 AM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Dowlada Mareykanka ayaa sare u qaadeysa Amaanka saldhigooda militari ee ku yaala Soomaaliya gobolka Shabeellaha Hoose ee Balidoogle oo dhawaan ay weerar ku qaadeen xoogagga Al-shabaab.

10/19/2019 5:37 AM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Booliiska la dagaalanka Argagixisada ee dalka Kenya ayaa aqoosaday shaqsiga Al-shabaab u qaabilsan weerarrada xadka, gaar ahaan weerarkii lagu dilay 11 Askari ee horaantii bishan ka dhacay duleedka Libooyo.

10/19/2019 4:43 AM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Waxaa xaniban Jidkii laamida ahayd ee isku xidhayay Jigjiga ilaa Godey kaddib markii ay go'day buundadii magaalada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay ee DDS.

10/19/2019 4:22 AM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xiray dhamaanba askartii ku sugneyd Bar-Koontarool oo ku taala meel aan ka fogeyn Hotelka Naasa-Hablood oo ku eedeysan in ay danbeeyeen dil xalay loo geystay taliye ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

10/19/2019 1:15 AM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta kulankoodii Koowaad ee Kalfadhiga 6aad oo dhawaan furmay ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

10/19/2019 1:04 AM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Shaqaalaha shirkadda sameysa diyaaradaha ee Boeing ayaa sanadkii 2016 la sheegay in ay isu direen farriimo ku saabsan cillad ay ku arkeen diyaaradda nooca 737 Max oo ahayd noocii labada jeer galaaftay nolasha boqolaal qof.

10/19/2019 12:29 AM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)- Labo dhalinyaro oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa xalay toogasho ku dilay Xassan Cabdulle Hiraabe oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyada Puntland.

10/19/2019 12:18 AM EST
Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Maamula degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in weerar qorsheysan oo ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen 20 xubnood oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab oo la socday gaari Caasi ah [Hoomeey]