4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2019
Jidka isku xira Jigjiga ilaa Godey oo xaniban maanta kaddib markii ay go'day Buundadii xiriirineysay

 

Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Waxaa xaniban Jidkii laamida ahayd ee isku xidhayay Jigjiga ilaa Godey kaddib markii ay go'day buundadii magaalada Shaygoosh ee Gobolka Qoraxay ee DDS.

Buundadan ayaa go'day kaddib markii ay roobab laxaad leh ka da'een aaggaas. waxayna sababtay in isu socodkii Jigjiga ilaa Godey  ee dhanka dhulka uu maanta xanibmo,
Shacabka degaanka ayaa dawladda ka codsanaya in si degdeg ah loo xaliyo jidkan go'an.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]