4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo kulankoodii Koowaad ee kalfadhiga 6aad ku yeelanaya Muqdisho

 

Sabti, October, 19, 2019 (HOL)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta kulankoodii Koowaad ee Kalfadhiga 6aad oo dhawaan furmay ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Fadhiga Golaha Shacabka ayaa maanta ajnadahu yahay dhageysiga Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka aan muuqan iyo  heshiiska khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka iyo midka Dabiiciga. 

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan furay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay horyaalaan howlo badan oo ay ka mid yihiin meelmarinta sharciyo muhiim ah oo muddo dheer hor yaala Baarlamaanka.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta  oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]