4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2019
Mas'uul ka tirsanaa maamulka Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

 

Sabti, October, 19, 2019 (HOL)- Labo dhalinyaro oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa xalay toogasho ku dilay Xassan Cabdulle Hiraabe oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Toogashadan oo ka dhacday xaafadda Garsoorka ee Waqooyiga Gaalkacyo ayeey goobjoogayaal sheegeen in xiligan la tooganayay mas'uulkan uu ku sugnaa goob lagu shaaho, waxaana markiiba isaga baxsaday raggii toogashada geystay.

Mas'uulkan la dilay ayaa horay uga soo mid noqday Golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo iyo ku-xigeenki Duqa magaalada, waxaana uu hadda ahaa taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyada  Puntland ee Gobolka Mudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]