4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Dagaal dhimasho sababay oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)-Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay dagaal ku dhaxmaray deegaan hoosta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan dagaalyahannada Al-shabaab iyo xoogagga la baxay Macwisleey oo ka tirsan dadka deegaanka

Guddoomiyaha degmada Maxaas Cabdi Muumin Cilmi Xiish ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Waab-weyn oo ka tirsan degmada Maxaas halkaa oo ay degenaayeen ama fariisin u aheyd xoogagga Macwisleeyda ee ka tirsan dadka deegaanka.

Xoogagga Macwisleeyda oo sanadihii ugu danbeeyay dagaal kula jiray Al-shabaab ayaa ku tiirsaneyn dowladda iyo maamulka deegaanka, intooda badanna waa xoolo dhaqato u adkeysan waayay awaamiirta Al-shabaab oo dadka xoolo dhaqatada ah ka qaada wax ay ugu yeeraan Zakawaat.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa sheegay in dhankooda ay ka go'an tahay in ay xoogaggan ka gacan siiyaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-shabaab. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]