4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Gaadiidka Bajaajta oo maalintii sadexaad aan shaqaynayn Laascaanood

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)-Boqolaal ka mid ah gaadiidka Bajaajta ayaa ku cidhan saldhigyada magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool kadib markii ay ka horyimaadeen bixinta cashuurta Dawlada Hoose.

Gaadiidkan oo ah gaadiidka keliya ee dadweynuhu adeegsadaan ayaa saamayn xoogleh ku yeeshay isu socodka bulshada magaalada ku dhaqan.
 
"Sadexdaa maalmood maan aadin suuqa waayo waxaan hubaa inaanan socon karayn, dano badan baa igaga xidhan hadana waxaa ii saamixi waayey gaadiid la'aanta dhacda" sidaa waxa HOL u sheegtay Samsam Maxamuud oo daanta bariga meherad yar ku haysata.
 
Ku dhowaad toban sano oo baaxada magaaladu aad u fiday waxaa si xoogleh u soo badanayey gaadiidkan oo meesha ka saaray tagaasidii iyo basas waqtigaa ka hor magaalada u adeegi jirey.

"Ma jirto dhaqaale badan oo aan ka helo sababtoo ah Bajaajta oo badatay, cashuur baa nalaga qaadaa hadana mid kale ayaa la yidhi keena mana awoodno"  sidaa waxaa yidhi wiil dhalinyaro ah oo saldhiga dhexe agtiisa taagnaa kana mid ah dadka gaadiidka laga cidhay.
 
Cashuuraha laga qaado gaadiidka dadweynaha oo maaliyadu ta ay sanadkii qaado ka sokow dawlada hoose waxa ay qaadaa ta liisanka gaadiidka dadweynaha waana taas ta dhalisay murankan saamaynta ku yeeshay bulshada, iyadoo kuwa xidhan mashaane boqolaal kale ay ku dhuumaalaysanayaan magaalada.

Majir tanaasul laga rajeynayo qolyaha cashuuraha doonaya iyadoo haatan sanadka qaybtiisii danbe lagu jiro.
 
Laascaanood G. Sool