Dowladda Federaalka oo ku howlan xalinta khilaafka ka taagan dhismaha Galmudug loo dhan yahay
Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Degmada
Dhuusa-Mareeb waxaa wali ka soconaya kulamo kala duwan oo lagu xalinayo khilaaf
ka dhashay guddi farsamo oo ay dowladdu u magacaawday dhismaha Galmudug oo ay ka biyo-diidan yihiin
mas’uuliyiinta sare ee maamulka Ahlu Sunna.
Saacadaha soo socda ayaa la
filayaa in ay tagaan degmada Dhuusa-Mareeb wafdi ka socda dowladda Federaalka kuwaa oo halkaa ka bilaabi doona wada hadalo
lagu xalinayo tabashada Ahlu Sunna.
Qoraal dhawaan ka soo baxay Ahlu
Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay magacaabista guddigaa aan wax watashi ah
dhankooda lagala sameyn, islamarkaana aan loo marin dariiqaa saxda ah, taasoo
keentay in uu hakad ku yimaado guda-galista howlihii loo idmaday guddiga.
Wafdiga dowladda Soomaaliya ee
tagaya Dhuusa-Mareeb ayaa lagu wadaa in ay Ahlu Sunna isla meeldhigaan xal u
helida khilaafka ka dhashay diidamda Ahlu Sunna ee Guddiga farsamada oo ay
magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.
Madaxweynaha maamulka Galmudug ee
waqtigu ka dhamaaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhankiisa oo dhaweeyay
guddiga oo sida uu hadalka u dhigay dowladda kala tashatay ka hor inta aysan
soo magacaabin.
Horay sidan oo kale waxaa dhowr
dib u dhacay shirkii dib-u-heshiisiinta beelaha ku soo dhamaaday Dhuusa-Mareeb,
balse markii danbe lagu guuleystay in la qabto kaddib markii la xaliyay khilaaf
ka dhashay habka loo maamulayo shirka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]