4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 18, 2019
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in la xalinayo khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

 

Jimco, October, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in la xalinayo sida uu hadalka u dhigay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Wuxuu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin in ay kaalin mug leh ka qaataan sdii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dhinac, isaga oo yiri ‘’ Puntland waxey diyaar u tahay kaalinta kaga aadan xalinta khilaafka labada dhinac ka qaadato, intii ay hadda wax socdeenna qeyb muhiim ah beynu ku laheyn isku soo dhaweyntooda’’

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad diidanaa nidaamka doorasho ee Kismaayo ka dhacay, laakiin sida uu hadalka u dhigay aan miisaan badan ku dhax laheyn dadka deegaanka.

‘’Waxaa iyaguna jiray Labo ruux oo saluug ka muujiyay doorashada, iyagana markii aan u kuurtagalnay ma’aheyn miisaan badan oo bulshada ka dhax muuqday, laakiin arrimahaa dhan waxaan ku dadaaleynaa in la xaliyo ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ka mid ahaa wafuudii ka qeybgashay munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland, waxaana uu hadalkiisan imanaya xili wali uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]